Logo

    adeeg wanaag

    Explore " adeeg wanaag" with insightful episodes like "Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir", "Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya", "Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha", "Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle" and "Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha" from podcasts like ""Adeeg Wanaag", "Adeeg Wanaag", "Adeeg Wanaag", "Adeeg Wanaag" and "Adeeg Wanaag"" and more!

    Episodes (16)

    Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

    Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

    Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.     

    Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan tartankaasi qabashadiisa, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado.   

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

    Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

    Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay.   

    Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka lagu wajahi karo. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir culuumta deegaanka iyo biyaha ah, kana shaqeeya howlaha la xiriira arrimaha deegaanka. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha

    Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha

    Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.

    Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen & Aweis Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab & martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ayaa ku falanqeynaya bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle

    Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle

    Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada. 

    Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq Yuusuf ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha

    Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha

    Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan. 

    Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan isdhexgalka bulshada degaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda.  

    Maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan xafiiska Xalka Waara, ayaa ah hay’adda ka masuulka ah in xal waara loo helo dadka gobolka kusoo barakacay. Sidoo kale, xafiiska waxa uu kaalin ku leeyahay isku xirka maamulka gobolka Benaadir, dowladda federalka ah, deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, hay’daha gargaarka, bulshada rayidka iyo dadka barakcayaasha ah.

    Podcast-gan waxa Zaynab Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo Aweys Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab ay ku falanqeynayaan kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee taageeridda beelaha laga tirada badan yahay ee barakacayaasha kamid ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa guud ahaan beelaha la heyb sooco. 

    Podcast-gaan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo

    Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo

    Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay. 

    Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday faallo lagu falanqeeyay amarka Wasaarada Waxbarashada kasoo baxay, walaaca laga muujiyay, iyo saameynta taban iyo midda togan ee uu ku yeelan karo qeybaha bulshada ee uu amarka khuseeyo. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed oo ah martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ee Somali Public Agenda & Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah qoraha faallada ku falanqeynayaan nuxurka faallada iyo talooyinka lasoo jeediyey ee tixgelinta mudan. 

     

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Kaltanka Bajaajyada ee A & B

    Kaltanka Bajaajyada ee A & B

    Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira. 

    Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go’aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go’aankaasi inta uu hirgalay waxaa kasoo wareegatay muddo ku dhaw bilood. 

    Podcast-gan waxaa lagu  falanqeynayaa go’aanka maamulka gobolka uu mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa ugu qeybiyay A iyo B, iyo waxyaabihii ka dhashay, qorshyaasha xiga iyo guud ahaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho. Waxaa marti ku ah Cabdirashid Ibrahim Maxamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benadir, ahna Guddomiyaha Guddiga Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Caasimadda.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Adeegga Xajka iyo Kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

    Adeegga Xajka iyo Kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

    Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan howlaha adeegga Xajka, qiimaha lagu jaangooyo xajka, iyo adeegyada ay ka heelaan shirkadaha qandaraaska ku qaata adeegga Xajka.  

    Haddaba iyadoo billaabashada howlaha Xajka ay naga xigto muddo bil ah, ayaa waxaa podcast-gan lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga ay qabato Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, gaar ahaanna arrimaha adeegga Xajka. Waxaa marti ku ah Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, oo ah Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    U daadejinta canshuurta & adeegyada bulshada dowladaha hoose

    U daadejinta canshuurta & adeegyada bulshada dowladaha hoose

    Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegyada bulshada si loogu dhaweeyo dadweynaha, ayaa waxaa saameeyay nidaamkii dhexe ee dalka ka jiray. Nidaamka Federaalka ayaa waxaa awoodda iyo maamulka adeegga dadwweynaha maamula inta badan dowlad-goboleedayada, halka ay aheyd in dowladaha hoose loo  daadejiyo si loo gaaro dadweynaha. 

    Somali Public Agenda ayaa daabacday daraasad ku saabsan daadejinta canshuuraha iyo adeegyada bulshada dowladaha hoose ee Puntland, Galmudug iyo Benadir, caqabadaha ku geedaaman iyo sida looga gudbi karo. Podcast-gan, waxa ay qoraaga daraasadda Farxaan Isxaaq Yuusuf iyo Aweys Axmed ku falanqeynayaan  natiijada daraasadda.  

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda

    Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda

    Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidka, iyo sidoo kale dowladda hoose ee Muqdisho.

    Dadweynaha ku nool magaalada ayaa culeysyo kala duwan kala kulma helidda waraaqaha aqoonsiga oo ay dowladdu bixiso. Dhibaatooyinkaas waxa ay si gaar ah ugala kulmaan xafiisyada dowladda ee bixiya adeegyadan. 

    Podcast-gan, Aweys Axmed iyo Maxamed Aadam ayaa ku falanqeynaya faallo ay dhawaan daabacday Somali Public Agenda oo ka hadleysay culeysyada lagu qabo helitaanka waraaqaha aqoonsiga ee dowladda.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Sababa iyo Xalka Culeysyada Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka Muqdisho

    Sababa iyo Xalka Culeysyada Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka Muqdisho

    Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan. 

    Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday faallo falanqeyneysa caqabadaha ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho iyo saameynta ka dhalan karta. 

    Podcast-gan waxa Maxamed Aadan, oo ah qoraaga faallada iyo sidoo kale maamulaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda, iyo Abdishakur Cawil, oo ah cilmibaare arrimaha qorsheynta iyo maareynta dhulalka iyo magaalooyinka, ay ku falanqeynayaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho, saameynta ka dhalan karta iyo xalka.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho

    Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho

    Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011.  

    Kusoo laabashada dadkii hore uga barakacay magaalada iyo kuwa cusub ee kusoo biiray waxaa ka dhashay in qiimaha dhulka iyo kirada guryaha uu sare-u-kac ku yimaado. Dhanka kale, dhaqaalaha dalka oo liita iyo dakhliga soo gala bulshada oo yar awgood, waxaa adag in qoysas badan ay guryo yeeshaan ama ay noqdaan dad si rasmi ah ugu negaada meelaha ay daggan yihiin. 

    Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saabsan sare-u-kaca kirada guryaha Muqdisho. Podcast-ga arrimahaas ayaa lagu falanqeynayaa. Waxaa marti ku ah qoraaga faallada Maxamed Aadan oo ka tirsan Somali Public Agenda iyo Xasan Cabdi Xasan, oo ah cilmibaare arrimahan u dhuundaloola.   

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Daadejinta adeegga waxbarashada ee gobolka Benaadir iyo muranka ka taagan

    Daadejinta adeegga waxbarashada ee gobolka Benaadir iyo muranka ka taagan

    Somaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal ah, kaasoo hirgelintiisu ay si muuqata u socotay tan iyo sanadkii 2013. Hase ahaatee, gobolka Benadir oo aan maqaamkiisa weli la cadeynin ayaa adeegyada dadweynaha waxaa bixinayay wasaarado kala duwan oo heer federaal ah.  

    Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa billowday in ay adeegga waxbarashada ee gobolka Benadir u daadejiso Maamulka Gobolka Banaadir kadib is-afgarad labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Muqdisho.  Guulo kooban ayaa laga gaaray u daadejinta maareynta waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir. Hase ahaatee, hirgelinta Is-afgaradka ayaanan si habsami leh u socon. Waxaa hareeyay dhibaatooyin inta badan ka yimid kharashaadka dugsiyada dowladda iyo maamulkooda. Khilaafka ayaa weli taagan iyadoo aan la xalin, inkastoo dhinacyadu ay sameeyeen dadaallo aan lagu guuleysan in lagusoo afjaro khilaafka.

    Somali Public Agenda ayaa dhawaan faallo qoto-dheer oo ku saabsan arrinkan daabacday. Waxa podcast-gan ay Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda iyo qoraaga faallada iyo Aweys Axmed ku falanqeynayaan nuxurka faallada. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Naqsahadeynta xalka waara ee Soomaaliya iyo ku saleynta baahiyaha dadka barakcayaasha

    Naqsahadeynta xalka waara ee Soomaaliya iyo ku saleynta baahiyaha dadka barakcayaasha

    Somalia waxaa sanado ka jira barakac baahsan oo ay sababeen coladaha soo laalaabtay iyo dhibaatooyinka la xiriira cimilada. Dowladda iyo haya’daha caalamiga ah ayaa in muddo ah la tacaalayay in la yareeyo ama xal waara loo helo dhibaatada barakaca. Haya’daha caalamiga ah ayaa sameeya dadaallo lagu naqshadeynayo barnaamijyo lagu doonayo in xal waara loogu helo barakaca. Haseyeeshee, waxaa jira caqabado ay wajahayaan haya’daha oo la xiriira in ay fahmaan ama helaan xog ku saabsan duruufaha dhabta ah ee jira. Waxana lagama marmaan ah in barnaamijyada la doonayo in xaal waara loogu helo dadka barakacayaasha ah lagu saleeyo baahida dhabta ah ee dadkaas heysata. 

    Haddaba, si arrimahaas loo fahmo, podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa caqabadaha hadda taagan ee barakaca la xiriira, kaalinta dowladda iyo haya’daha caalamiga ah iyo waxa uga qorsheysan iyo kaalinta qorshayaashaasi ay ku leeyihiin dadka barakacayaasha ah.

    Podcast-gaan oo ay iska kashnayaan Somali Public Agenda iyo ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat) waxaa marti ku ah Zahra Cabdi Maxamed oo ah Agaasimaha Xalka Waara iyo Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Cabdullahi Cabdi Xasan oo ah maamulaha guud ee ReDSS Soomaaliya, iyo Maxamed Cabdi Cabdullahi oo dadka barakacayaasha ka mid ah.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka

    Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka

    Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu siiso dadweynaha. 

    Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Maxamed Aadan ku falanqeynayaan sababaha keenay soo if-baxa Ciyaal Weero, saameynta ay ku yeesheen dadweynaha gobolka Benadir,  iyo tallaabooyinka ay tahay in la qaado si xal loogu helo Ciyaal Weero. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Benaadir: Caqabadaha iyo Xalka

    Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Benaadir: Caqabadaha iyo Xalka

    Kahor burbrukii dowlada Soomaaliya ee 1991-kii, adeegyada bulshadda guud ahaan, gaar ahaan adeegga caafimaadka, waxaa gacanta ku hayay dowladda dhexe. Kadib sanado laga shaqeynayay dib-u-yagleelidda hay’daha dowliga ah ee bixiya adeegga dadweynaha, waxaa suuragashay in adeegyada qaar ee dowladu bixin jirtay dib loo yagleelo. 

    Adeegga caafimaadka gobolka Bendair ee ay dowladu bixiso ayaa kamid ah kuwa dib loo howlgaliyay, iyadoo kuwa gaarka ah ee baahida bulshada dabooli jiray ay weli kaalintooda qaataan. 

    Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed, Qaasim Jimcaale & Maxamed Aadam ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga caafimaadka, xaaladda adeegga caafimaadka ee gobolka Banaadir, caqabadaha horyaalla iyo sida lagu xallin karo caqabadahaas. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Logo

    © 2024 Podcastworld. All rights reserved

    Stay up to date

    For any inquiries, please email us at hello@podcastworld.io