Logo

    somalia elections

    Explore " somalia elections" with insightful episodes like "Doorashada Kadib: Arrimaha Mudnaanta U Leh Soomaaliya", "Kaalinta Bulshada Rayidka ee Hufnaanta Doorashada Golaha Shacabka", "Hirgelinta doorasho wakhtigeeda ku dhacda, daah furan, loona dhanyahay", "Falanqeyn Doorashooyinka Soomaaliya iyo Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran" and "Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo" from podcasts like ""Maamul Wanaag", "Maamul Wanaag", "Maamul Wanaag", "Maamul Wanaag" and "Adeeg Wanaag"" and more!

    Episodes (12)

    Doorashada Kadib: Arrimaha Mudnaanta U Leh Soomaaliya

    Doorashada Kadib: Arrimaha Mudnaanta U Leh Soomaaliya

    Doorashadii guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gebagabeeyay. 39 musharrax oo u tartamayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa is diiwaangelisay khudbadana u jeedisay baarlamaanka. 15-ka May, maalinta Axadda, ayuu dalku yeelanayaa madaxweyne hoggaamiya 4-ta sano ee soo socota.

    Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeyneyaan arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya oo ay tahay in dowladda cusub ka shaqeyso.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Kaalinta Bulshada Rayidka ee Hufnaanta Doorashada Golaha Shacabka

    Kaalinta Bulshada Rayidka ee Hufnaanta Doorashada Golaha Shacabka

    Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa meel dhexe. In ka badan 100 xildhibaan ayaa la doortay. Muddada lagu heshiiyay 9-kii January 2022 waxa ay ahayd in 25-ka February lagusoo qabagabeeyo doorashada. 

    Podcast-gan waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa  kaalinta bulshada rayidka ee doorashada. Waxaa marti ku ah Sainab Xasan iyo Axmednur Cabdullahi Axmed.

    Sainab Xasan waa Aasaasaha iyo Agaasimaha Guud ee Somali Gender Equity Movement. Axmednur Cabdullahi Axmed waa mid kamid ah culimada Soomaaliyeed. Labadooduba waxa ay xubno ka yihiin Guddiga Bulshada Rayidka ee Hufnaanta iyo Ilaalinta Habraaca Doorashooyinka 

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Hirgelinta doorasho wakhtigeeda ku dhacda, daah furan, loona dhanyahay

    Hirgelinta doorasho wakhtigeeda ku dhacda, daah furan, loona dhanyahay

    9-kii January, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray heshiis ka kooban 18 qodob oo la xiriira dhameystirka doorashada Golaha Shacabka. Heshiiskaas kadib, waxaa billowday dardargelinta doorashada iyadoo lasoo saaray liiska kuraas badan oo qaarkood la doortay qaarna la filayo in dhawaan la doorto.

    Sidoo kale cabashooyin ku aaddan maareynta kuraasta ayaa kasoo yeertay qaar kamid ah musharraxiinta. 

    Podcast-gan waxa ay Cabdi Ceynte iyo Mahad Waasuge falanqeynayaan xaaladda hadda ee doorashada, wakhtiga doorashada loo qabtay in lagusoo gebagebeeyo, hufnaanta doorashada iyo suurtagalnimada in doorashada lagu qabto labada deegaan doorasho ee dowlad-goboleedyada. 

    Podcast-gan waxa aan iska kaashaneynaa Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift Valley.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Falanqeyn Doorashooyinka Soomaaliya iyo Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran

    Falanqeyn Doorashooyinka Soomaaliya iyo Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran

    Podcast-ga waxaa marti ku ah Maxamed Cabdirisaq. Maxamed Cabdirisaaq waa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Muddo dheer ayuu kasoo shaqeeyay  arrimaha dimoqraadiyeynta Soomaaliya iyo geeska Afrika.

    Podcast-gan waxa ay Mahad Waasuge iyo Maxamed Cabdirisaaq ku falanqeynayaan doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii uu dhawaan gaaray Golaha Wadatashiga Qaran. 


    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo

    Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo

    1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban. 

    Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta. Kumannaan qof ayaana ku barakacay xiisaddaas ka dhalatay muddo kordhinta. 

    Masuuliyadda hoggaaminta arrimaha doorashada iyo sidoo kale amniga doorashada waxaa lagu wareejiyey Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. 

    Raysal wasaaraha ayaa ku guuleystay in ciidamadii ka hor yimid muddo kordhinta ay dib ugu laabtaan xarumahoodii. Waxa uu sidoo kale iclaamiyey in 20-ka bisha May uu dhici doono kulan u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Benadir oo looga hadlayo arrimaha lagu muransan yahay ee doorashada. 

    Podcast-gan, Cabdiraxmaan Caynte iyo  Maxamed Keynaan oo marti ku ahaa SPA Governance Podcast ayaa Mahad Waasuge la falanqeynaya wajiga cusub ee doorashada Soomaaliya, kaalinta raysal wasaaraha, natiijada la filayo in ay kasoo baxdo shirka la filayo in uu bilowdo 20-ka May,  casharrada laga baran karo doorashadii 2016 iyo arrimo kale oo la xiriira doorashada.   

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

    Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

    17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen nooc doorasho dadban ah in ay ka dhacdo dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ku qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, doorashada lagu heshiyey ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar.

    Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana waxaa jira dulduleello badan iyo mugdi jira oo haddii aan wax laga qaban khatar gelin kara daahfurnaanta iyo in loo dhanyahay geeddi-socodka doorashada. Waxa kale oo jira arrimo siyaasadeed oo muran badan dhaliyay oo haddii aan la xallin ay sidoo kale kordhin karaan halista isku dhacyada dhalan kara bilaha soo socda.

    Burhan Warsame Abdi waa aqoon yahan bartay Arrimaha Dowlanimada, Siyaasadda loo dhan yahay,  iyo Federalismka. Waxa uu hadda ka tirsan yahay Somali Dialogue Platform. Waxa uu soo qabtay howlo kala duwan. Waxa uu noqday Agaasimaha Guud ee Xafiiska RW (Chief of Staff); La taliye Arrimaha Doorashooyinka; Xubin Guddiyada xiriirinta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada (Federal Negotiating Technical Team); Xubin Guddiga Wadaagga Kheyraadka Dalka; Goobjooge Doorashooyinkii 2012 iyo 2016/17; waxa uu sidol kale la shaqeeyey hay'ado badan oo caalami ah. 

    Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta falanqeyneysa arrimaha khilaafka ka jiro ee doorashooyinka Soomaaliya oo ay wada daabaceen Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Maxaa Casharro ah oo Laga Baran Karaa Doorashooyinkii Dadbanaa ee Soomaaliya ee 2016?

    Maxaa Casharro ah oo Laga Baran Karaa Doorashooyinkii Dadbanaa ee Soomaaliya ee 2016?

    Doorasho dadban oo labaad ayaa la jadwaleeyey in ay mar kale ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 iyo horraanta sanadka 2021. Sida ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka 17-kii Sebteembar ee 2020, doorasho dadban ayaa ka dhici doonta labo degmo oo kamid ah dowlad-goboleed walba, halkaas oo ergooyinka doorashada ee lagasoo xulay beelaha ay u codeynayaan kursi kasta oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 54-ta xubnood ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale soo dooran doona xildhibaannada dowlad-goboleedyada, si lamid ah hannaankii doorashada ee 2016.

    Sanadkii 2016-kii, ergooyin doorasho oo ka badan 14 kun oo muwaadin oo lagasoo xulay beelaha ayaa soo doortay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka 10-aad. Muddo xileedkooda waxa uu dhammaan doontaa 27-ka Diseembar ee 2020. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Kaalinta Dhalinyarada ee Doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Kaalinta Dhalinyarada ee Doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya: Fursadaha iyo Caqabadaha

    On Thursday, 12th November 2020, Somali Public Agenda and Youth Peer Education Network (Y-Peer) in Somalia have co-organized a forum that took place at Afrik Hotel in Mogadishu under the theme “The role of the Somali youth in the upcoming Somalia parliamentary and presidential elections: opportunities and challenges”. 

    59 young participants, from both genders, representing different institutions and organizations in Mogadishu have attended the forum, such as university students, civil servants, NGOs, and aspirants for parliamentary seats in the upcoming elections among others. 

    Also, present at the forum were three panelists namely Sagal Bihi (MP), Muno Axlaa, a candidate for a parliamentary seat in the upcoming elections, and Ahmed Hadi, political activist and head of Public Relations at Somali International University, who were invited to make remarks on the subject and answer questions of the participants.

    The panelists emphasized thorny issues that hamstring Somali youth participate in the political process such as discriminatory fees from candidates to the parliamentary seats, infested parochial political cultures, and foreign money funded to competing politicians. 

    Participants were offered an opportunity to make their comments and ask questions to the panelists. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Dhismaha Xukuumadda Xigta ee Soomaaliya

    Dhismaha Xukuumadda Xigta ee Soomaaliya

    25-kii June baarlamaanka Soomaaliya ayaa riday xukuumaddii uu hoggaaminayay raysal wasaare Xasan Cali Khayre. Ilaa wakhtigan xukuumad cusub lamasoo dhisin. 

    Xukuumadda waxa la riday maalmo yar kadib markii uu soo idlaaday shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu uga hadlayeen nooca doorashada suuragalka ah in ay ku qabsoonto wakhtiga u haray hay’adaha federaalka. 

    Maxamed Cabdirisaaq waa aasaasaha iyo agaasimaha Finance, Development, and Governance Synergy Limited (FDG-Synergy). Kahor inta aanu billaabin SDG Synergy, waxa uu Maxamed Maareeyaha mashruuca Platform for Political Dialogue and Accommodation in Somalia (Madasha Wadahadallada Soomaaliya) u ahaa hay’adda Conflict Dynamics International. Waxa uu sidoo kale Maxamed horey usoo noqday lataliyaha Madaxweye Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, Maxamed waxa uu horey isugu sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya. 

    Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta taxliilineysa dhismaha xukuumadda xigta ee Soomaaliya oo ay daabaceen Machadka Rift Valley iyo FDG Synergy. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Tubta Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021

    Tubta Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021

    2020 iyo 2021 sanado doorasho ayay u yihiin Soomaaliya. Muddo xileedka xubnaha labada gole ee baarlamaanka (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) wuxuu ku egyahay dhammaadka bisha Diseembar 2020; waxaa la caleemasaaray 27-kii Diseembar 2016. Muddo xileedka Madaxweynaha wuxuu sidoo kale dhammaanayaa horraanta Febraayo 2021.

    Sharciga doorashooyinka waxa ku jira faafaahinta ugu muhiimsan ee doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan. Golaha Shababka ee baarlamaanka ayaa ansaxiyay sharciga 28-ka Diseembar 2019. Aqalka Sare ayaa sidoo kale ansixiyey 8-dii Febraayo 2020, madaxweynaha ayaana saxiixay sharciga 20-kii Febraayo ee sannadkan. 

    Si ka duwan hababkii hore ee doorashooyinka Soomaaliya, sharciga doorashooyinka, oo ka kooban 7 cutub iyo 58 qodob, ayaa hadda ah dukumiintiga hagaya doorashooyinka qaran ee Soomaaliya.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Review of the Proposed First Past The Post Electoral Model for Somalia

    Review of the Proposed First Past The Post Electoral Model for Somalia

    Somalia is in search of an electoral model for the scheduled 2020/21 political transition. An ad hoc 15-member parliamentary committee was mandated to review the National Electoral Bill (NEB) approved by the Council of Ministers. It submitted to the parliament a reviewed version of the NEB at a joint meeting by the two chambers of parliament on 27th November 2019. The Committee proposed a ‘First Past the Post System’ as an electoral model for Somalia. After deliberations, the House of the People of the Somali Federal Parliament approved the election bill on 28th December 2019, and the bill will go to the Upper House for review before a final ratification by the President.

    In this podcast, Mahad Wasuge and Mohamed Irbad discuss the proposed First Past The Post electoral model for Somalia.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Re-instituting political parties in Somalia

    Re-instituting political parties in Somalia

    On 6th September 2016, then Somali president Hassan Sheikh Mohamud, ratified the long-awaited political parties act following the parliament’s approval.

     The political parties law (Law No. 19 of 27 June 2016) comprises of 38 articles and 4 schedules. It governs the provisional and full registration of political parties, the rejection of registration attempts, the alliance and merger of political parties, individuals allowed to join political parties, the rights and privileges of political parties, deregistration, parties’ financial governance, and resolution processes for disputes among parties.

    Since its adoption, over fifty-seven (57) political parties have been provisionally registered by the National Independent Electoral Commission (NIEC).

    In this Podcast, Farhan Isak Yusuf who is one of the authors of Somali Public Agenda Governance Brief and Mohamed Irbad discuss the political parties law. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Logo

    © 2024 Podcastworld. All rights reserved

    Stay up to date

    For any inquiries, please email us at hello@podcastworld.io